U bood dhigaalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo Looga Tacsiyeeyay Weerarkii Lagu Qaaday Kulyadda Jaalle Siyaad

Luuliyo 27, 2023
Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macallim Maxamuud Shiikh Cali.
Shirkaan ayaa looga hadley xaaladda amniga dalka, Isla markaana lagu ansixiyey hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka. Golaha Wasiirada ayaa dhegestey warbixino ku saabsan guulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka soo hoyeen dagaalka lagula jiro Al-shabaab .
Golaha ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Kuliyadda Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ee Jaalle Siyaad ee magaalada Muqdisho. Waxaa uu Golaha tacsi u diray umadda Soomaaliyeed, qoysaskii iyo eheladii ay ka shahiideen geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku shahiiday weerarkaasi, iyagoo isla markaana Allah uga baryey inta dhaawacantey inuu Ilaahay deg-deg u caafiyo.
Golaha ayaa sidoo kale meel-mariyey Hindise Sharciyeedyada kala ah;
1. Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.
2. Hindise Sharciyeedka Hay’adda Adeegga Baaritaanka iyo Sharciyeeynta Beeraha Soomaaliyeed.
3. Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed.
4. Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Dhir-beereedka.
5. Hindise Sharciyeedka Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka
Iyo Xeer Nidaamiyaha Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman.
Goobjoog News