Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Gaaray Galmudug
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Dr. Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaainaayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug, iyadoo si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka magaalada Dhuusamareeb, waxaana qeyb ka ahaa xubno dowladda ah wafdiga.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, madaxweyne ku-xigeenka maamulaka Cali Daahir Ciid, xubno ka tirsan golaha wasiirrada Galmudug iyo qeybaha bulshada caasimadda ayaa madaxweynaha iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay garoonka Ugaas Nuur ee duleedka magaalada Dhuusamareeb ee Galgaduud.
Safarka madaxweynaha ee magaalada Dhuusamreeb ayaa waxaa uu daaran yahay hoggaaminta howlkagal lagu xoreynayo baroga goolka Galgaduud, halkaas oo muddooyinkii u dambeysay dowladdu ay waday diyaar garowga sidiii Al-shabaab looga saari lahaa magaalooyinka Ceelbuur, Waxbo, Diri, Galhareeri iyo deegaannada kale.
Madaxweynaha ayaa gaaray Dhuumareeb xilli caasimadda Galmudug lagu soo bandhigay dhallinyaro deegaanka ah iyo Daraawiishta Galmudug oo barbar dagaalami doona ciidan xoogga dalka, kuwaas oo dhawaan tabar ugu soo gabagaboobay duleedka magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu qalabeeyay ciidanka.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa horey u gaaray wufuud hordhac u ah safarka madaxweynaha, waxaana ka qeyb ahaa taliyaha hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Mahad Maxamed Salaad, kaas oo maalmo ka hor gaaray deegaannada Galmudug iyo mas’uuliyiin kale.
Dowladda Soomaaliya ayaa bariga gobolka Galgaduud waxaa ay geysay ciidankii ugu badnaa, kuwaas oo ka kooban Milatariga qeybihiisa kale duwan gaar ahaan guutooyinka Qaali Bin Waliid Iyo Cali Binu Abii Daalib, oo lagu daray Kumaandooska Danab iyo Gorgor, iyadoo uu hoggaamianayo Ismaaciil Cabdi Maalik Maalik
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb waxaa waxaa uu safar ku gaari doonaa magaalada Xarardheere oo dhowaan laga saaray Al-shabaab iyo deegaanno kale oo ka mid ah gobolka sida ay sheegayaan wararka laga helayo Galmudug.
Goobjoog News