U bood dhigaalka

Maleeshiyaad Hubeysan oo Caruur Ku Dishay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Galgaduud

Deegaanka Dhabad oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay shan caruur ah, kuwaas oo la sheegay in ay ahaayeen kuwa dhiganayay dugsi Qur’aan, arrintaan ayaa la sheegay in ay la xiriirto dilal ku saleysan aan Qabiil oo ka dhacay Galgaduud.

Wararka qaar aya sheeaya in Caruurta oo ka soo tagtay goob uu ka dhacay aroos ay seexdeen Agagaarka Dugsi Qur’aan oo ay Dhiganayeen, Waxaana Goobtaas ugu Yimid Maleeshiyaadka Falkaan Gaystay oo Halkaas ku Dilay, caruurtaan da’yarta ah.

Majiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Galmudug oo ku aadan falkaan ka dhacay deegaanka Dhabad ee gobolka Galgaduud, deegaankaan ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaallo la xiriira aan qabiil oo dhex martay beelo wada dega Dhabad.

Goobjoog News