Galmudug oo Ku Dhawaaqday in Hormuud ay Ka Tahay Dagaalka Al-shabaab
Madaxweyne ku xigeenka dowlad-goboleedka Galmudug mudane, Cali Daahir Ciid ayaa xalay ka qayb galay Kulan dadweyne oo shacabka magaalada Dhuusamareeb ay ku weydiiyeen su’aalo ku saabsan dagaalka Al-shabaab , kaas oo ka bilowday deegaannada Galmudug.
Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in Dowladda Federalka Soomaaliya iyo Galmudug ay isla garteen in la sameeyo howlgal ka baaxad weyn kii hore, hadafkooduna uu yahay in Al-shabaab Gamudug looga saaro, gaar ahaan degmooyinka Gal-hareeri, Ceel- buur, Bacaad weyn, Shabeelloow, Caad iyo Camaara.
Maxaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sidoo kale xusay in hadafkooda koobaad, labaad iyo Saddexaadba uu yahay amniga, nabad gelyao la’aanna uusan jirin wax horumar ah, isagoo dul istaagay in dagaalka Al-shabaab ay hormuud u yihiin dhul baaxad leh oo ay ka mid tahay Caasimaddana ay ka xoreeyeen Al-shabaab iyagoo kaashanaya dadka deegaanka.
Dhanka kale Ciid ayaa sheegay in ay socdaan dedaallo ay beeluhu ku garab istaagayaan Ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Galmudug, iyagoo soo bandhigaya malleeshiyaad deegaanka oo djowaan lasoo bandhigay si ay u garab istaagaan ciidanka xoogga si la xoreeyayna ay ka hirgelyeen laamahii amniga iyo adeegyadii bulshada, si ay dib ugu soo laabato noloshii caadiga ahayd ee bulshada.
Madaxweyne ku xigeenka dowlad-goboleedka Galmudug mudane, Cali Daahir Ciid ayaa sheegay inAl-shabaab ay isaga baxeen deegaanno badan markii ay maqleen howlgalka xooggan ee iyaga kusoo wajahan, kaas oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Qaranka , isagoo intaa raaciyay inuusan wax badan ku qaadan doonin soo afjaridda dagaalamayaasha Al-shabaab.
Goobjoog News