U bood dhigaalka

Laamaha Ammaanka Muqdisho oo Gacanta Kusoo Dhigay Nin Dilay Ganacsade

Taliska Qeybta Guud Booliiska gobolka Banaadir gaar ahaan ciidanka Saldhigga Booliiska degmada Hodan ayaa gacanta kusoo dhigay shaqsi la sheegay inuu dil u geystay  nin ka tirsana ganacsaatada magaalada Muqdisho oo lagu dilay degmada Hodan.

Ninkaan ay gacanta waxaa ku soo dhigeen laamaha amniga,iyagoo sheegay in la horgeyn doono caddaaladda si wax looga waydiiyo falka dilka ah ee lagu soo qabtay.

Laamaha ammaanka degmada Hodan iyo shacabka oo is kaashanaya ayaa sabab u noqoday soo qabashada ninkaan falka dilka loo haysto Abaaro 13:30pm ee maanta.

Muddooyinkii u danbeyay waxaa howlgallo lagu xaqiijinayo Ammaanka magaalada Muqdisho ka wadday ciidanka nabad galayada iyagoo baaritaanno ka sameynayay degmooyinka gobolka Banaadir.

Goobjoog News