U bood dhigaalka

Guddoomiye Yuusuf Madaale oo Dhagax Dhigay Waddo Cusub oo Laami ah

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Md. Yuusuf Xuseen Jimcaale “Madaale” ayaa dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddo laami ah ah isku xirta waddooyinka Suuq Bacaad iyo Jen. Daa’uud ee Degmada Yaaqshiid.

Hirgalinta dhismahaan oo qayb ka ah mashruuca “Dalkaaga ku Dhiso Hal Doollar” ayaa fulinteeda waxaa iska kaashaday Maamulka Degmada Yaaqshiid, bulshada degmada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha oo waddooyinka ugu horeeyaan.

Mawduucyada:Banaadir