U bood dhigaalka

Ciidamada Degmada Doolow oo Sheegay in Gaari Sida Walxaha Qarxa Gacanta lagu Dhigay

Ciidamada Amniga Degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegay in la fashiliyey gaari laga soo buuxiyey waxyabaaha Qarxa, kaas oo kusoo wajahnaa magaalada sida laga soo xigtay maamulka.

Guddoomiyaha Degmada Doolow Maxamed Xuseen Cabdi ayaa uga mahadceliyey ciidanka Amniga shaqada adag ee ay bulshada u hayaan iyo fashilinta weerarka ku soo wajahnaa magaalada.

Guddoomiyaha ayaa ku ammaanay ciidamada ammaanka u feejignaantooda arrimaha amniga isla markaana ay muujiyaan howlkarnimo dheeraad ah.

La soco wixii faahfaahin dheeraad ah ee ka soo kororta dhacdadan.