U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo Kulan La Qaatay Xeer Ilaaliyaha Qaranka

Sheeko:Dalka

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa ku casuumay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka soo bandhigista dib u eegista iyo wax ka badalka Sharciga Ciidanka Boliiska (Sharci Lam 2 ee Dec 1972) iyo Xeerka Ciidanka Boliiska (Xeer Lam 14 ee 04 Jan 1973).

Guddiga dib u eegista iyo wax ka badalka Sharciga iyo Xeerka Boliiska ayaa Xeer ilaaliyaha u soo bandhigay habraacyadii uu soo maray, iyaa oo uu Xeer Ilaaliyuhu uu ka talo bixiyay sharciga.

Dib u eegista Sharciga iyo Xeerka Boliiska ayaa qeyb ka ah dib u habeynta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo laf dhabar u ah hagaajinta hay’adaha Ammaanka iyo Adeegga dadweynaha.

Goobjoog News