U bood dhigaalka

Xeer Ilaalinta Qaranka oo Racfaan ka Qaadatay Xukunkii ay Ridday Maxkamadda Gobolka Banaadir

Sheeko:Dalka

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa racfaan ka qaatay xukunno kala duwan oo ay Khamiistii ridday Maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Banaadir.

Qoraal goordhow kasoo baxay xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in racfaan ka qaateen xukunnadii ay riday maxkamadda gobolka Banaadir, waxa ayna xeer ilaalinta sheegtay in ay dhameystirtay habraaca racfaan qaadasha.

arrintan ayaa timid kadib markii ay banaanka timid cabashada ehelada xubnaha maxkamada ay sii deysay kuwaasoo sheegay inaan wali xabsiga laga sii deyn, iyagoo tilmaamay ineysan garaneynin sababta loo heysto.

Si kastaba, Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Khamiistii xukuno kala duwan ku ridday illaa 11 sarkaal oo ka kala howlgalayay hay’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo loo haystay musuq-maasuq, gaar ahaan xatooyo xoolo dadweyne.

Raggan oo isugu jiray, agaasimeyaal, madax waaxeedyo iyo shaqaale caadi ah ayaa 5 kamid ah oo danbi lagu waayay la amray in lasii daayo, halka 6-da kalena oo la xukumay dib loogu celiyay xabsiga.

Arrinta la yaabka leh ayase a ah in wali aan lasii deynin xubnihii xoriyadooda la amray in dib loogu celiyo maadaama lagu waayay dhamaan eedihii loo heystay.

Xubnaha wali aan xoriyadooda helin waxaa kamid ah Cabdullaahi Maxamed Cali (Suldaan) oo ahaa agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, kaas oo xilka laga qaaday inta uu xirnaa iyo Maxamed Cadde Mukhtaar oo xilkaas uga horeeyay.

Sida xogaha aynu ku helnay, Guddoomiyaha Maxkamadda Saalax Dabbaan ayaa Khamiistii wuxuu sheegay inuu xanuunsanahyay warqadda dib u celinta xoriyada mas’uuliyiintanna uu qorayo Sabtida shalay ah, taasoo ilaa iyo haatan aan wax war ah laga heynin.

Waxaana maanta laga war helay oo kaliya warqada xafiiska xeer ilalainta ay ku sheegeyso iney racfaan ka qaadatay xukunka maxkamada oo howsha hada uun ay bilow tahay.

Abuukaate Dudaaye oo ahaa qareenka xubnahan wali xiran ayaa codsi sharci ah shalay subax u diray maxkamada gobolka Banaadir, taasoo ku aadan in lasii daayo, sida uu yiri Dudaaye waa laga qabtay warqadiisa laakiin kama aysan soo jawaabin, isagoo sheegay in xitaa ay sharci daro eheyd in habeenkii Jimcaha ay xabsiga ku hoydaan mas’uuliyiinta lasii daayay.

Goobjoog News

Mawduucyada:Banaadir