U bood dhigaalka

Dad Ku Geeriyooday Kaniisad, Kadib Markii Qeyb Kamid ah ay Soo Duntay

Ugu yaraan 10 qof oo ay ku jiraan saddex caruur ah ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen gudaha dalka Mexico, kadib markii saqafka sare ee Kaniisad uu soo dumay xilli ay socotay xaflad, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.

Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalo xeebeedka Ciudad Madero ee waqooyi bari ee gobolka Tamaulipas maalintii Axadda, arrintaan ayaa la sheegay in ay ka dambeysay kadib markii saqafka Kaniisadda uu gabow ahaa oo uusan dayactir helin muddo.

“Nasiib darro, 10 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen. Dadkan, shan ka mid ah waa dumar, laba rag ah iyo saddex carruur ah,” Americo Villarreal, oo ah guddoomiyaha gobolka Tamaulipas, ayaa u sheegay saxafiyiinta goobta ku sugnaa.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in lagu guuleystay in lasoo wada saaro dadkii ku geeriyooday goobta oo la helay Meydadka, isaga oo raaciyay in dadka dhaawaca ay gaaraan ilaa 60 ruux, halka ay jiraan ilaa sedex ruux oo halis ku jira.

“Shaqaalaha gurmadka ayaa isku dayayay inay ka soo saaraan meydka qof dumar ah oo burburka ku jira, balse tirada dhimashada ayaan la fileyn inay intaasi ka badato, maadaama dhammaan dadkii la la’aa la wada helay”, ayuu raaciyay hadalka.

Ugu yaraan 60 qof ayaa laga daweeyay dhaawacyo, Villarreal ayaa sheegtay, iyadoo 23 ay wali ku jiraan isbitaal “Laba qof ayaa qaba dhaawacyo halis ah, noloshooda waxaa laga yaabaa inay halis ku jirto,” ayuu kisoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Jose Armando Alvarez, oo ah hoggaamiyaha kiniisadda maxalliga ah, ayaa ku sheegay muuqaal la soo dhigay baraha bulshada in “saqafka kaniisadda uu dumay intii lagu jiray dabaaldegga Eucharist”, isaga oo tilmaamay in laga taxadari doono dhismaha.

Goobjoog News