U bood dhigaalka

Madaxweyne Erdogan “Argagixisada Weligood Ma Gaari Doonaan Hadafkooda”


Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa siweyn uga weeerarkii ka dhacay caasimadda Ankara, isaga oo ku tilmamay fal “Argigixiso”, waxaana uu carabka ku dhuftay in aysan marna ku guuleysan doonin hadafkooda, sida uu hadalka u dhigay.

Saacado  kadib markii qarax ka dhacay meel ku dhow xarunta baarlamanka ee Ankara uu dhaawacay laba sarkaal oo Boolis ah, kadib markii laba ruux ay weerareen dhismaha, halka uu isqarxiyay mid kamid ah, ciidanka ammaanka ayaa toogtay mid kale.

Qaraxa xooggan ee ka dhacay bannaanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, oo uu xigay holac ballaaran, ayaa waxaa laga maqlay dhowr km ka baxsan goobta weerarka lagu qaaday, taas ayaa keentay in ciidanka Booliiska dalka heegan la galiyay.

Mas’uuliyadda weerarka ayaa waxaa sheegtay Kooxda Kurdish-ka ee PKK, oo Turkey iyo xulufadeeda Reer Galbeedka ay u aqoonsan yihiin argagixiso, taasi oo sanado badan wadday dagaal muqaawo oo ka dhan ah Ankara.

Degmada la beegsaday ayaa hoy u ah dhowr wasaarado oo kale iyo baarlamanka Turkey “Xaasidka khatarta ku ah nabadda iyo ammaanka muwaadiniinta ma aysan gaarin hadafkooda, waligoodna ma gaari doonaan,” ayuu Erdogan u sheegay baarlamaanka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in labada qof ee weerarka fuliyey ay abaare 9:30 am gaari ganacsi ku yimaadeen “albaabka laga galo Agaasinka Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayna fuliyeen weerar bam.”

“Mid ka mid ah argagixisada ayaa is-qarxiyey. Kan kale waxaa dilay xabbad madaxa looga dhuftay kahor inta aanu helin fursad uu isku qarxiyo,” waxaa sidaas war-saxaafadeed ku sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Ali Yerlikaya.

Weerarka lagu qaaday qaaday dhismaha wasaaradda arrimaha gudaha dalka Turkiga ayaa kusoo aadaysa xilli dhowaan madaxweynaha Turkiga uu talada dalkaas hoggaaminteeda uu ku guuleystay markii sedexaad uu hoggaaminayo Turkiga.

Goobjoog News