U bood dhigaalka

Booliiska Thailand oo Xiray Wiil 14 Jir ah oo Rasaas Ku Furay Suuq Laga Dukaameyso

Booliiska dalka Thailand ayaa xiray wiil 14 jir ah oo looga shakisan yahay in uu rasaas ku furay gudaha suuq mashquul badan oo ku yaala magaalada Bangkok.

Kooxaha gurmadka degdega ah ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay lix kalena ay dhaawacmeen, iyadoo dib u eegis lagu sameeyay tiradii hore ee khasaaraha.

Toogashada ayaa goor sii horaysay ka dhacday gudaha suuqa Siam Paragon oo ay u dukaameysi tagaan dadka deegaanka iyo dalxiisayaasha oo ku taal bartamaha caasimadda Thailand.

Eedeysanaha ayaa lagu soo waramayaa inuu yahay arday wax ka baranayay iskuul aan ka fogeyn xarunta ganacsiga. Lama oga sababta ka dambeysay weerarka.

Goobjoog News