U bood dhigaalka

Dowladda Sucuudiga oo Soomaaliya Ka Taageereysa Hormarinta Waxbarashada

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa magaalada Riyaadh ee dalka Sacuudi Carabiya kula kulmay Wasiirka Hiddaha iyo dhaqanka Amiir Bandar bin Cabdulcasiis Al Saud iyo Wasiirka waxbarshada dalkaasi Youssef Al-Bunyan.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa arrimaha hiddaha iyo dhaqanka iyo in ay is kaashi ka yeeshaan tayaynta waxbarshada asaasiga ah ee labada dal, xilli dowladda Sucuudiga muddooyinkii dambe ay xiriir fiican la laheyd dowladda Soomaaliya, tan iyo isbedelkii hoggaanka dalka.

Wasiir Faarax ayaa sidoo kale kulan la yeeshay guddoomiyaha xarunta howlaha gargaarka iyo bini’aadannimada ee Boqor Salmaan, Dr; Cabdalla Bin Cabdi Casiis Ar-rabiica, iyagoo ka wada hadlay sidii loo laba jibaari lahaa taageerada ay boqortooyada Sacuudiga u fidiso dowladda  Soomaaliya

Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa xarunta samafalka ugu mahd celisay taageerada ay Soomaaliya u fidiso sida Waxbarshada, caafimaadka iyo guud ahaan adeegyada kale ee asaasiga ah, wasiir Faarax ayaa siweyn loogu amaanay inuu wax badan ka qabtay waxbarashada dalka tan iyo markii la magacaabay.

Dowladda Soomaaliya oo ku jirta ururka Jaamacadda Carabta ayaa dowladda Sucuudiga waxaa ay qeyb ka tahay dowladaha ka taageera dhinacyo kale duwan, kuwaas oo intooda badan ku qotoma hormarinta  arrimaha bulshada iyo kaabayaasha muhiimka u ah sida Waxbarashada Caafimaadka iyo kuwa kale.

Goobjoog News