U bood dhigaalka

Kooxo Jihaad Doon ah oo Askar Ka Tirsan Milatariga Niger Ku Dishay Xauudda

Tan iyo markii dalka Niger uu uu ka dhacay Afgambiga milatari waxaa soo badanayay dagaallada u dhaxeeya kooxda Jihaad doonka ah iyo Milatariga dalkaasi, kadib bixitaankii ciidanka Faransiiska.

Wasiirka difaaca dalka Niger ayaa sheegay in 29 ka tirsan ciidamada dalkiisa lagu dilay weerar la tuhunsanyahay in ay gaysteen kooxo jihaad doon ah oo ka dhacay galbeedka dalkaas.

Waa weerarkii ugu horreyay oo noociisa ah tan iyo markii ciidamadu afgambiga kula wareegeen xukunkadabayaaqadii bishii Juulay ee sanadkaan.

War telefishinka laga sii daayay ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay bartilmaameedsadeen in ka badan boqol ka tirsan mitidiinta kuwaas oo isticmaalayay hub qaraxyo ay ka mid yhiin .

Maalmo baroor diiq ah ayaa looga dhawaaqay dalka Niger, taas oo loo sameynayo askartii lagu dilay dalkaas oo ku baxay kooxda Jihaad doonka ah eek a dagaalanta xadka Burkino Faaso iyo Niger.

Waxaa kordhay weerarada kooxaha jihaadiyiinta ah tan iyo markii milatarigu ay la wareegeen awoodda, iyagoo xilligaas sheegay in ay wax ka qabanayaan dagaalka kooxahan sidaasna iyo weerarradooda.

Goobjoog News