U bood dhigaalka

Shirka Wadatashiga Wasaaradaha Warfaafinta Labada Heer oo Ka Furmaya Baydhaba

Sheeko:Dalka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federalka Soomaaliya  Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati-Gauddud ku soo dhaweeyey Wasiiiro,Xildhibaano Saraakiil katirsan Maamulka goleyaasha maamulka, waxaana loosoo galbiyay gudaha magaalada Baydhabo.

Wafdiga Wasiirka waxaa qayb ka ah Wasiirada Warfaafinta dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasinka Warfaafinta Gobolka Banaadir iyo Masuuliyiin kale.

Ujeedka Safarka Wasiirka ee Baydhabo ayaa ah ka qeybgalka shir wadatashi ah oo Wasiirada Warfaafinta dowladda Federaalka kuwa dowladd Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo magaalada uga furmaya wasaaradaha heer federal iyo heer gobol.

Shirka ayaa muddada uu socdo waxaa looga hadli doonaa wadashaqeynta wasaaradaha warfaafinta dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah, waxaana siweyn loogu gorfeyn doonaa sidoo kale fulinta heshiisyadii hore dhinacyadu ay usoo gaareen.

Goobjoog News