U bood dhigaalka

Ra’iisulwasare Xamse oo Xarigga Ka Jaray Dhismaha Waddo Laami ah oo La Hirgeliyay

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray waddada Taleex ee Degmada Hodan oo dib-u-dhis uu ku sameeyey Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya maamulka degmada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in dhismaha waddooyinka halbowlaha ah ay kor u qaadayaan, nabadda, ganacsiga iyo horumarka kala duwan caasimadda, waxa uuna ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir.

Dhismayaasha maashaariicda lagu hormarinayo kaabayaasha dhaqaale gaar ahaan Waddooyinka caasimadda ayaa si xowli ah uga socda Muqdisho, iyadoo dowladdu ay dhagaxdhigtay dhowr caddo caasimadd ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka ku nool caasimadda in ay ilaaliyaan nadaafadda iyo daryeelka waddooyinka, isla markaana ay si dhaw ula shaqeeyaan Maamulka Gobalka Banaadir oo gacanta ku haya dib u dhiska jidadka caasimadda.

Waddadan oo muhiimad gaar ah u leh isu-socodka bulshada caasimada, ayaa lagu dhisay barmaamijka hal doolar dalkaaga ku dhiso oo qeyb ka ah qorshe ay bulshadu uga qeyb qaadanayaan dib-u-dhiska Muqdisho.

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa ka socda mashaariicda dhismooyinka oo ay iskakaashanayaan maamulka gobolka iyo kan degmooyinka, waxaana uu qeyb ka yahay 1 dollar ku dhiso dalkaaga uu ku dhawaqay Madaale.

Goobjoog News