U bood dhigaalka

Shirka Arrimaha Gargaarka iyo Iskuduwidda oo Ka Furmay Baydhabo iyo Madax Ka Qeybgashay

Sheeko:Dalka

Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ka daah-furay Shirka madasha iskuwidda Arrimaha Bini’aadanimada oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA.

Shirkaan waxaa ka qeybgalay,mas’uuliyiin ka tirsan hey’adda iyo , Wasiiradda Wasaaraddaha Gargaarka Dowladd Goboledyada Hirshabelle, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed,Gobolka Banaadir iyo Wakiillo ka kala socda Beesha Caalamka oo qeyb ka ahaa shirka.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa xaalada bini’aadamnimo ee dalka, Xasilinta goobaha laga xoreeyey Al-shabaab  iyo Xaaladda El-Niño ee wadankeenna ku soo wajahan, taas oo  maalmihii dambe laga muujinayay digniino ku aadan in bulshada ay ka fooljignaadaan.

Daah-furka madasha ayaa waxaa Ra’isulwasaare ku xigeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya  Saalax Axmed Jaamac ku wehliyey ku simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur galbeed ahna guddoomiye ku xigeenka Koobaad.

Shirkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli caalamka uu bixinayo digniino ku aadan cabsi laga qabo in duufaanta El Niilo ay dhibaato ka geysan karto wadamo ku yaalla bariga iyo Geeska Afrika, kuwaas oo loogu baaqay in ay feeljignaan qabaan.

Goobjoog News