U bood dhigaalka

Xubin Ka Tirsan Al-shabaab oo Isku Dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Qeybta 60-aad

Sheeko:Dalka

Isxaaq Aadan Shuceyb (Cumraani ) oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa maanta isku soo dhiibey ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad, gaar ahaan Ururka 46-aad ee uu fadhigoodu yahay degaanka Goof-gaduud buureey ee gobolka Baay.

Isaaq Aaden ayaa Tababar kusoo qaatey degmada jilib Ee gobalka Jubbada dhaxe, wuxuuna ka tirsanaa qaybta jabhadaha eek a dagaalanta isagoo la shaqaynayay muddo laba sano ah oo uu ka tirsanaa kooxda uu ka barbar dagaalamayey.

Cumraani ayaa ugu dhallinyaradii saaxiibada ay ahaayeen ee ku ku jira  ugu baaqay in ay isaga soo tagaan Al-shabaab oo ay kusoo biiraan ciidanka xoogga dalka, xilli uu la hadlayay warbaahinta ku hadasha afka ciidamada qalabka sida.

Muddooyinkii dambe waxaa ciidanka dowladda isku soo dhiibayay dhalinyaro badan kuwaas oo muddo ka tirsanaa kooxda, waxaana uu kusoo aadaysaa xilli ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay dalka ka wadaan howlgallo.

Goobjoog News

https://sonna.so/so/wp-content/uploads/2023/10/ISAAQ.jpg