U bood dhigaalka

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Hindise Sharciyeed Muhiim u ah Arimaha Xajka

Sheeko:Dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Arrimaha Xajka iyo Xeer-nidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka iyo Shaqaalaha Caafimaadka, ka dib kulankoodii toddobaadlaha ahaa oo ay maanta yeesheen.

Shuruucdan oo ay soo kala gudbiyeen Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada; iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, ayaa muhiimad gaar ah u leh xujeyda iyo daryeelka bukaanka Soomaaliyeed.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, dhaqaalaha, deyn-cafinta iyo aqoon-is-weydaarsiga istiraatiijiyadeed ee Golaha Wasiirrada.

Golaha ayaa ugu dambeyntii bogaadiyey guulaha isbadaba joogga ah ee Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka  ee iskaashanaya ay ka gaarayaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab, kaas oo ka socda goobo kal duwan oo dalka ah, gaar ahaan deegaannada Galmudug.

Goobjoog News

Mawduucyada:Banaadir