U bood dhigaalka

Hoggaamiyaha SSC oo Soo Gaaray Muqdisho iyo Kulamo Gaar uu La Leeyahay RW Xamse

Sheeko:War

Hoggaamiyaha SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Cumar Firdhiye  ayaa soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana si diiran loogu soo dhoweeyay caasimadda, iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin dowladeed iyo bulshada caasimadda.

Firdhiye ayaa helay maamuus sare oo loogu soo dhoweeyay caasimadda, waxaana safarkiisa uu yimid kadib markii uu casuumaad uu ka helay ra’iisulwasaare Xamase, waxaana xusid mudan inuu soo dhoweeyay wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macali Fiqi.

Hoggaamiyaha Maamulka Khaatuma ee SSC Cabdulqaadir Firdhiye oo hadal kooban jeediyay ayaa u mahad celiyay cid kasta oo kusoo dhaweyay Magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in uu casuumaad ka helay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

“ Waxaan Xamar ama Muqdisho aan u imid casuumaad rasmi ah oo aan ka helay xukuumadda federalka, Muqdisho waa hooyada Soomaaliya, mandiqadda SSC Khaatumo waxaa ay kamid tahay deegaannad ay hooyada u tahay” ayuu yiri hoggaamiyaha SSC.

Hoggaamiyaha Maamulka Khaatuma ee SSC Cabdulqaadir Axmed Firdhiye ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho waxaa uu kulamo kale duwan la qaadan doonaa Madaxda ugu Sare ysa ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxda uu kulanka la qaadan doono ayaa waxaa qeyb ka ah Ra’iisulwasare Xamse Cabdi Barre, iaga oo kala hadli doona sidii dowladda federalka ay qeyb uga qaadan laheyd dib u dhiska magaalada Laascaano iyo gaarsiinta gargaar Bani’aadanimo.

Magalada Laascaano ee gobolka Sool ayaa muddo sided bilood ah waxaa ka socday dagaallo iyo duqeyn aan loo aaba leelin oo ay geysanayeen ciidanka Milatariga Somaliland, ka hor inta aan laga saarin maalin Jimco ah aaga Goojecadde iyo kuwa kale.

Goobjoog News