U bood dhigaalka

Garoomada Diyaaradaha Galmudug oo la Xiray Doorashada Awgeed

Sebteembar 29, 2026

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Galmudug ayaa ku dhawaaqday in dhammaan garoomada diyaaradaha ee maamulka la xirayo laga bilaabo 30-ka Sebtembar 2026, sababo la xiriira xaaladda amni iyo doorashada ka socota deegaannada maamulka.

Warqad rasmi ah oo kasoo baxday Wasaaradda ayaa lagu wargeliyay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo Ururka Diyaaradaha in la joojinayo duulimaadyada iyo adeegyada la xiriira garoomada diyaaradaha Galmudug.

Go’aankan ayaa saameyn ku yeelanaya duulimaadyada isku xira magaalooyinka Galmudug iyo caasimadda Muqdisho, iyadoo aan weli la shaacin muddada ay xirnaanshaha garoomadu socon doonto iyo xilliga dib loo furayo.