U bood dhigaalka

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud oo amaray sharciga la horgeeyo maamulka Isbitaalka Muqdisho

Sebteembar 29, 2026

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Taliska Saldhigga Booliska degmada Yaaqshiid faray in baaritaan lagu sameeyo dhacdo ka dhacday Isbitaalka Muqdisho Specialist, taas oo la xiriirta haweeney lagu magacaabo Zamzam Maxamuud Cilmi.

Sida ku cad warqad rasmi ah oo uu soo saaray Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, taariikhdeeduna tahay 28-ka Sebtembar 2026, Xafiisku wuxuu sheegay inuu gudanayo waajibaadkiisa sharci ee ku xusan Qodobka 12/1 ee XHCS iyo Qodobka 8 ee Xeerka Nidaamka Garsoorka.

Warqadda ayaa Taliska Saldhigga Booliska Yaaqshiid lagu faray inuu si degdeg ah u horgeeyo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud maamulka Isbitaalka Muqdisho Specialist, kaas oo warqaddu sheegtay inuu dhiban u yahay Zamzam Maxamuud Cilmi, oo muddo 8 maalmood ah ku xayirnaa Isbitaalka sababo la xiriira arrin caafimaad.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in maamulka isbitaalku uu hayay haweeneyda, iyadoo aan warqadda lagu faahfaahin sababta saxda ah ee keentay in muddo intaas le’eg ay isbitaalka ku sugnaato.

Taliska Booliska Yaaqshiid ayaa loo xilsaaray inuu baaritaan ku sameeyo dhacdada, kadibna Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud u soo gudbiyo wixii kasoo baxa baaritaanka.

Dhacdadan ayaa hadda loo gudbiyay hay’adaha sharciga, iyadoo baaritaanka la filayo inuu caddeeyo xaaladda haweeneyda, sababta ay isbitaalka ugu sugneyd iyo haddii ay jiraan wax masuuliyad sharci ah oo ka dhalan karta dhacdada.