U bood dhigaalka

Ciidamada puntland oo soo furtay markab ay burcad-badeed ku qabsatay xeebaha Maamulkaas

Sebteembar 29, 2026

Ciidamada Badda Puntland ee PMPF ayaa sida lagu sheegay wararka kasoo baxaya Puntland gacanta ku dhigay markabka MTHonour, kaas oo koox burcad-badeed ah ay muddo ku haysteen xeebaha degmada Bandarbayla ee gobolka Bari.

Markabka MTHonour oo ku gooshayay calanka Palau ayaa ahaa markab shidaal qaada, waxaana la sheegay inuu ku socday ganacsato reer Puntland ah.

Sida wararka hordhaca ah lagu sheegay, kooxaha burcad-badeedda ayaa markabka qabsaday 21-kii April 2026, xilli uu ku wajahnaa magaalada Muqdisho.

Ciidamada PMPF ayaa qaaday hawlgal qorshaysan oo lagu soo furtay markabka iyo shaqaalihii saarnaa, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in hawlgalku uu ku dhammaaday in ciidamada ay gacanta ku dhigaan markabka.

Intii uu socday hawlgalka, waxaa la sheegay in laba xubnood oo ka tirsan kooxdii burcad-badeedda ahayd ay dhaawacmeen, halka dhammaan xubnihii kale ee lagu tuhunsanaa afduubka markabka la qabtay oo maxaabiis ahaan loo xiray.

Ilaa hadda lama shaacin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan xaaladda shaqaalaha markabka, tirada saxda ah ee kooxdii burcad-badeedda ahayd iyo sida uu hawlgalku u dhacay.