U bood dhigaalka

Sudan oo Fiiso u Diiday Madaxa Sirdoonka Itoobiya oo Doonayay Booqasho Degdeg ah

Sebteembar 29, 2026

Dowladda Sudan ayaa la sheegay inay fiiso gelitaan u diidday Redwan Hussein, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Itoobiya, kaas oo codsaday inuu booqasho degdeg ah ku tago dalkaas.

Sida uu qoray wargeyska Al-Karama oo soo xigtay ilo diblomaasiyadeed oo sar-sare, Redwan Hussein ayaa codsi u gudbiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sudan, si loogu oggolaado inuu si degdeg ah dalka u galo, hase yeeshee dowladda Sudan ayaa diidday inay fiisaha siiso.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Sudan iyo Itoobiya, iyadoo dowladda Sudan ay Addis Ababa ku eedeysay inay taageerto ciidamada RSF ee dagaalka kula jira milateriga Sudan ee uu hoggaamiyo Jeneraal Cabdifataax Al-Burhan.

Lama shaacin sababta rasmiga ah ee uu Redwan Hussein u doonayay inuu booqashada degdegga ah ku tago Sudan, mana jirto faahfaahin dheeraad ah oo laga bixiyay jawaabta dowladda Itoobiya ee arrintan.