Musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee hoggaamiyaha Galmudug, Libaan Axmed Xasan, ayaa bulshada reer Galmudug ka codsaday inay codkooda siiyaan, si uu hormuud uga noqdo dhismaha maamul ku dhisan caddaalad, wadajir, nabad iyo horumar.
Libaan Axmed Xasan ayaa farriin uu u diray bulshada ku sheegay inuu doonayo in Galmudug ay noqoto maamul ku dhisan midnimo, nabad iyo horumar, isaga oo taageerada shacabka ku tilmaamay mid muhiim u ah xaqiijinta himiladiisa hoggaamineed.
“Waxaan idinka codsanayaa codkiinna si aan hormuud ugu noqonno Galmudug ku dhisan caddaalad, wadajir, nabad iyo horumar,” ayuu yiri musharraxa JSP ee hoggaamiyaha Galmudug.