U bood dhigaalka

Guddiga Doorashooyinka iyo Ururrada Siyaasadda oo Jowhar kaga wada hadlay adkeynta habraacyada doorashada

Sebteembar 29, 2026

Jowhar, 29 Sebteembar 2026 – Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, Saadaq Abshir Garaad, iyo xubno ka tirsan Guddiga ayaa magaalada Jowhar kulan kula yeeshay madaxda iyo wakiillada ururrada siyaasadda ee ku sugan caasimadda Dowlad-goboleedka Hirshabeelle.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkeynta u hoggaansanaanta shuruucda, habraacyada iyo anshaxa doorashada, iyadoo sidoo kale laga hadlay xoojinta wada-shaqeynta Guddiga iyo ururrada siyaasadda xilli lagu jiro u diyaar-garowga doorashada isku sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka.

Guddiga ayaa ururrada siyaasadda kula dardaarmay ilaalinta nabadgelyada, kala dambeynta iyo hufnaanta geeddi-socodka doorashada, isagoo ku boorriyey musharraxiinta, wakiillada iyo taageerayaasha ururrada inay si buuxda ugu hoggaansamaan habraacyada iyo tilmaamaha doorashada.

Sidoo kale, waxaa la adkeeyey muhiimadda ay leedahay in wakiillada ururrada siyaasadda ee goobaha codbixintu ay dhowraan nidaamka goobaha codbixinta, madax-bannaanida hawlwadeennada doorashada iyo habsami-u-socodka codbixinta, tirinta iyo diiwaangelinta natiijooyinka.

Dhankooda, madaxda iyo wakiillada ururrada siyaasadda ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay wada-shaqeynta Guddiga iyo u hoggaansanaanta shuruucda iyo habraacyada doorashada.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha ayaa ugu dambeyn dhammaan dhinacyada ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii doorashada 30-ka Sebteembar 2026 ay ugu qabsoomi lahayd jawi nabdoon, xasilloon, hufan oo waafaqsan sharciga iyo habraacyada doorashada.