U bood dhigaalka

Kulan Duco ah oo Muqdisho Loogu Qatay Guddoomiyihii Hore Ee Gobolka Banaadir

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeybgalay Munaasabadda Khatinka iyo Ducadda Tacsida Allaha u nasriixto Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Ahaana Duqii Muqdisho Marxuum Cali Ugaas Cabdulle oo 2-dii October 2023 ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, Wasiiro, Xildhibaano, Guddoonka G/Banaadir, Culuma’udiin, qeybaha Dhaqanka, Siyaasiyiin, Haweenka iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Khatinta iyo Ducada Tacsida AUN Xaaji Cali Ugaas Cabdulle.

Marxuum Cali Ugaas Cabdulle ayaa dhowaan waxaa uu ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxaana todobaadkaan caasimadda ka socday Duco iyo Qur’aan Akhris loo sameynayay marxuumka, iyadoo uu khatintinkii maanta ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin kale duwan uu ugu horeeyay Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Cabdi Barre iyo Guddoomiye Madaale.

Goobjoog News

Mawduucyada:Banaadir