U bood dhigaalka

Waa Kuma Sarkaalka Ka Tirsan Milatariga Israel Ee Gacanta u Galay Ururka Xamaas?

Ururka reer Falastiin ee Xamaas ayaa waxa ay sheegtay in ay maxbuus ahaan u qabatay shalay Nimrod Aloni oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka Milatariga Israel,  kadib iskahorimaadka Gaza ee ku bilowday gantaalaha lagu garaacay Waqooyiga iyo Koonfurta Israel.

Sawirka taliyaha oo garbaha la hayo lagana xayuubiyay dharkii darjo ee ciidanka ayaa la soo bandhigay kaas oo u muuqda in uu muujinayo in ay haystaan Falastiiniyiin, balse Israel ayaa sheegashada Xamaas ku sheegtay mid aan la xaqiijin karin, balse Mossad kama hadlin.

Waxa uu dhowr jagooyin muhiim ah ka soo qabtay ciidamada millitariga ee Israa’iil ee loo yaqaano IDF, gaar ahaan ciidanka Depth Corps ee ka tirsan Ciidamada Difaaca Israa’iil, isaga oo noqday taliyaha qaybta 143 aad ee Gaza, iyo hawlgallada aagga Ramallah.

Nimrod Aloni waxa uu dhashay 12 Luulyo sanadkii 1973-dii waxaa la waayay shalay oo ahayd 7-dii Oktoobar oo ciidamada ururka Xamaas ay weerar lama filaan ah ku ekeeyeen Israa’iil isla markaana ay gudaha u galeen, taas oo keentay in gacanta lagu dhigo.

Dagaalka ka socda Qaza ayaa sidoo kale waxaa maanta uu ahaa mid duqeymo badan ay ka geystay Israel, halka dhanka kale Ururka Xisbullah uu gantaalo ku garaacay Waqooyiga Israel, taas oo dhalisay khasaare oo soo gaaray shacab ku noolahaa deegaannada.

Goobjoog News