U bood dhigaalka

Ciidanka Dowladda oo Howlgal Qorsheysan Ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Janaale ayaa howlgal qorsheysan xalay ka fuliyeen waxaa ay ku sheegeen in deegaanka Garilow hoos yimaada  degmada in lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab sidoo kalena looga furtay saanad ciidan.

Howlgalka ayay saraakiisha ciidamada sheegeen in ay ku dileen laba kamid ah Al-shabaab ,iyagoo dhanka kale gacanta ku dhigay laba qori, Bambaanooyin iyo Mooto  ay wateen xubnaha la dilay sida ay sheegeen saraakiisha howlgalka waday.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Qaranka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalkaan uu u dhacay sidii loo qorsheeyay,iyagoo sheegay in la Sii wadi doono howlgallada lagu xaqiijinayo amniga degmada Janaale iyo deegaannada hoos yimaada.

Gobolka Shabeellaha hoose ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka socday howlgallo ay ciidanku ay ka wadaan, waxaana marar badan ka dhacay deegaannada qaar dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kuwa ATMIS iyo xoogagga Al-shabaab.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka badan oo katirsan gobolada dalka kawada howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, waxaana xusid mudan in deegaanno badan laga saaray kooxda, kuwaas oo ka tirsan deegaannada Galmudug iyo Hirshabeelle.