U bood dhigaalka

Dhimashada Weerarkii Qaza oo Kordhay iyo Cisbitaallada oo Koronto La’aan Wajahaya

Khasaaraha ka dhashay weerarrada ka socda magaalada Qaza ayaa sii kordhaya, waxaana la warinayaa in geerida ay ka badan tahay 1000 qof oo labada dhinac ah, weerarkii Xamaas ay qaaday ee maalintii Sabtida, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaasi.

Weerarka lagu  Israel ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid uga darnaa dagaalkii October (6, 1973)- kii, kadib markii Sirdoonka Israel ay ku guuldareysteen in ay ogaadaan wax aka socday Qaza, ka hor inta aan circa, dhulka iyo badda aan looga imaan maalintii Sabtida aheyd.

 Soddon iyo lix saacadood ka dib markii ay bilowdeen dagaaladii ugu dambeeyay, waxaa wali laga soo ridayaa Qasa gantaallo lagu garaacayo koonfurta Israa’iil, waxaana xusid mudan in dagaalka ay ku jiraan Xisbullah oo weerarro ku qaaday shalay Koonfurta Israel.

Barakac xoogggan ayaa ka socda Qaza, waxaana cabsi laga qabaa in magaalada ay wajahdo xaalad adag oo dhanka Korontada ah, Qaramada Midoobay ayaa sheeay in laga yaabo in Madoorada Kontada ay ka dhammaadaan Shidaalka, taas oo keenaysa Koronta la’aan.

Maraykanka ayaa Markab uu leeyahay oo qaada diyaaradaha waxaa uu ku soo dhawaaday Israa’iil wuxuuna sheegay in uu hub badan soo diri doono, tallaabadaas oo Xamaas ay cambaaraysay kuna tilmaantay “gardarro” iyo taageero hal dhinac ah ee Israel.

Israel ayaa la sheegayaa in ay qorsheynayso in duulaan dhulka ah ay ku qaado Qaza 48-saac ee soo aadan, Xamaas ayaa ku jirta difaac iyo sidoo kale weerarro ay ka geysanayaan goobo kale duwan taas oo adkeysay xaaladda ay wajahayaan Yuhuudda aagga Qaza.

Ururka reer Falastiin ee Xamaas ayaa maxbuus ahaan u qabatay Sabtidii Nimrod Aloni oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka Milatariga Israel,  kadib iskahorimaadka Gaza ee ku bilowday gantaalaha lagu garaacay Waqooyiga iyo Koonfurta gudaha Israel.