U bood dhigaalka

Ra’iisulwasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo Qaabilay Wafdi Ka Socday Dowladda Uganda

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda ee Dhanka Isdhexgalka Gobolka John Mulimba  oo safar kusoo gaaray caasimadda Muqdisho.

Kulan dhexmaray labada mas’uul ayaa looga ka wada-hadlay  xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqalaha gobolka, socdaalka iyo dagaalka dowladda Soomaaliya ay kula jirto Al-shabaab iyo in dowladda Uganda ay ka taageerto ciidanka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ugu horreyn ugu hambalyeeyey dowladda Uganda sanad-guurada 61-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xornimada qaateen, isagoo uga mahadceliyay dowladda Uganda kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadato nabadda Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda Uganda ee Dhanka Isdhexgalka Gobolka , John Mulimba ayaa dhankiisa sheegay in Uganda ay ku garab taagan tahay Soomaaliya ku biirista Bulshada Bariga Afrika, si sare loogu qaado isdhex-galka dhaqan-dhaqaale ee waddamada gobolka.

Dowladda Uganda ayaa waxaa ay ka mid tahay dowladaha ciidanka ugu badan ay ka joogaan gudaha dalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale kaalin muhiim ah ay uga jirtaa dalalka ku mideysan bulshada Bariga Afrika oo dhowaan ay ku biirtay dowladda federalka Soomaaliya.

Goobjoog News