U bood dhigaalka

Dowladda Kenya oo 17 Million oo Dollar Ka Heshay Kaalinteeda Howlgalka Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa shegtay in ay ka heshay 17 milyan oo doolar, kaalinta ay ka qaadato howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS, kaas oo howshiisa uu ku egyahay bisha December ee sanadka soo socda 2024.

Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya Aadan Ducaale ayaa baarlamaanka dalkaas u sheegay, usbuucan in lacagtaas loo soo diray Qasnada dowladda, taasoo dhan Ksh500 milyan ($3.3 milyan) sanadkiiba.

Bishii Oktoobar 2011, Ciidanka Difaaca Kenya waxay u dhaqaaqeen Soomaaliya si ay u baacsadaan Al Shabaab ka dib markii ay afduubyo xiriir ah ka geysteen xuduudka Kenya iyo Soomaaliya.

Ducaale oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in magdhowga askarta ku dhimatay Soomaaliya lagu dhameeyo muddo 30 maalmood gudahood ah.

Tobankii sano ee ay joogeen Soomaaliya, ciidanka Kenya waxa ay la kulmeen ugu yaraan saddex weerar oo culus. Weerarkii ugu darnaa ayaa ahaa kii Jannaayo 2016 ka dhacay Saldhig Ciidanka Kenya ay ku lahaayeen degaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo.

Toddobaadkan, wasiirka gaashaandhigga Kenya, ayaa sheegay in ka badan 4,000 oo askari ay Soomaaliya ka bixi doonaan sidii ay Qaramada Midoobay u qorsheysay in kasta oo ay dhawaan Soomaaliya ka codsatay golaha ammaanka in dib loo dhigo dhimista muddo 3 bilood ah.

Dowladda Kenya ayaa ciidamo qeyb ka ah waxaa ay joogaan Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee ATMIS, kaas oo ay kamid noqtay sanadkii 2011 oo ay gudaha usoo gashay gudaha Soomaaliya.

Goobjoog News