U bood dhigaalka

Magaalada Qasa oo Wajaheysa Duqeymo iyo Go’doomin, Xamaas oo Digniin Soo Saartay

Waxaa maalintii afaraad ka dhacaya Magaalada Qasa dagaalka u dhaxeeya Xamaas iyo Israel, magaalada ayaa wajahaysa duqeymihii ugu adkaa ee dhanka circa, waxaana la duqeeyay goobo ay ku nool yihiin dad shacab ah gudaha magaalada  xilli la go’doomiyay.

Magaalada ayaa habeenkii xalay waxaa uu u ahaa habeen Madow, waxaana diyaaradaha dagaalka ay leedahay Israel oo la rumeysan yahay in ay taageerayaan Mareykanka ay ka fuliyeen duqeymo xooggan, waxaana ka dhashay khasaare soo gaaray dad shacab ah.

Dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa ku hanjabay in ay dili doonaan lahayste Israa’iili ah mar kasta oo ay Israa’iil duqeyso guri ay degan yihiin Falastiiniyiin, taas oo ka dhigan duqeymaha diyaadaha ay ku weyn doonto maxaabiis badan oo Xamaas gacanta ugu jiro afar cisho.

Benjamin Netanyahu Ra’iisulwasaaraha Israel ayaa sheegay inuu dagaalku bilow yahay, waxaana uu xusay in ay duqeymaha iyo bartilmaameedyada, Xamaas ayaa dhankooda wali sii wada gantaalada ku dhacaya Koonfurta Israel, kuwaas oo geysanaya khasaare.

Digniintan ka soo baxday Xamaas ayaa timid isniintii iyadoo tirada dhimashada kooxda ay kor u dhaaftay 900 oo dhalatay  weeraradii ismiidaaminta kediska ahaa ee ka dhacay Israa’iil iyo weerarro aargoosi ah oo ay ciidamadeeda ay  ku qaadeen marinka  Qasa ee socda.

Afhayeenka Xamaas Abu Ubaida ayaa soo saaray hanjabaada Isniintii ee ahayd in la laayo Israa’iiliyiinta oo ka mid ah tiro ay gacanta ku hayaan kooxda. Waxa uu sheegay in la haystayaasha Israa’iil loo dili doono duqeyn kasta oo Israa’iil ay u geysato guri Falastiini.

Iyadoo ciidamada Israel ay weeraro aargoosi ah ku qaadeen Gaza Isniintii, wasiirka difaaca Israel Yoav Gallant ayaa dhaleeceyn caalami ah u jeediyay isagoo ku dhawaaqay go’doomin guud oo lagu sameeyay dadka shacabka ah, taas oo dunidu ku kala qeybsantay.

Dagaalka Magaalada Qasa ka dhacaya ee u dhaxeeya Xamaas iyo Israel, magaalada ayaa ku wajahaysa duqeymihii ugu adkaa ee dhanka circa, waxaana la duqeeyay goobo ay ku nool yihiin dad shacab ah gudaha magaalada Qasa iyo go’doomin lagu bilaabay.

Goobjoog News