U bood dhigaalka

Maxkamadda Sare Ee Kenya oo Hakisay Ciidan Lagu Waday in ay Gaaraan Haiti

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa Isniintii ku dhawaaqday go’aan ay si ku-meel gaar ah ugu hakisay tallaabadii ay xukuumadda Kenya ay ku doonaysay inay ciidamo boolis ah ugu dirto dalka Haiti, ee ay ka jiraan falalka amni darrada ee kooxaha burcadda.

Howlgalkaan oo ay taageerayso Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu doonayaa in lagu xasiliyo Haiti Maxkamadda ayaa ku go’aanka ay soo saartay ku tilmaantay in qorshaha xukuumadda uu yahay mid dastuurka dalka baal marsan uusan jirin hishiis hore.

Go’aankan ayaa imaanaya xilli toddobaadkii hore ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay meel mariyeen in Kenya ay hagaamiso hawlgalka caalamiga ah ee ciidamada booliska loogu diro dalka Haiti, arrintaan ayaa timid kadib markii dacwad laga gudbiyay.

Xoghayaha Difaaca Marekanka Lloyd J. Austin oo dhowaan la kulmay madaxweynaha wadanka Kenya William Ruto ayaa ku amaanay dowladda Kenya in ay qaadatay go’aan geesinimo leh oo ku saabsan  oo lagu qaadayo howlgalka Qaramada Midoobay ee Haiti.

Dalka Haiti ayaa waxaa ka jiro qalalaase iyo amni darri taas oo keentay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku dhowaaqdo in laga fuliyo howlgal lagu soo celinayo amniga iyo kala dambeyntii dalkaas ee faraha ka baxday iyo mushkiladaha.

Goobjoog News