U bood dhigaalka

Wadamada Reer Galbeedka oo Laga Dhigay Bannaanbaxyo Lagu Taageerayo Falastiin

Shucuubta ku nool wadamada reer Galbeedka ayaa muujiyay deereenkooda damqashada leh  ee ku aadan dagaalka ka socda magaalada Qaza ee dhulka reer Falastiin, halkaas oo ay ku dagaalamayaan Israel iyo ururka Xamaas oo dagaal isaga soo horjeeda.

Banaanbaxayaal ayaa isugu soo baxay magaalada London, iyaga oo socod ku maray bannaanka hore ee safaaradda Israel, maalintii Isniinta aheyd, taas oo ka dambeysay, kadib markii guriga Baarlamaanka Uk laga shiday midabyo lagu taageeyay Israel.

Laba midab oo u muuqday cadaan iyo madow ayaa waxaa loo ekeysiiyay calanka Israel ayaa waxaa lagu taageeray duqeymaha ay ka wado gudaha Qasa, taas oo dhalisay in shacabku ay bilaabaan in ay qaataan calanka Falastiin iyaga oo taageero siinaya.

Qaar kamid ah shacabka ayaa isugu soo baxay magaalada New York si ay Taageero ugu muujiyaan reer Falastiin, waxaana bannaanbaxyadaan ka dhacay London iyo New York ay kusoo aadayaan xilli Uk iyo Mareykanka taareero u muujiyeen Israel.

Dagaalka Magaalada Qasa ka dhacaya ee u dhaxeeya Xamaas iyo Israel, magaalada ayaa ku wajahaysa duqeymihii ugu adkaa ee dhanka circa, waxaana la duqeeyay goobo ay ku nool yihiin dad shacab ah gudaha magaalada Qasa iyo go’doomin lagu bilaabay.

Goobjoog News