U bood dhigaalka

Dowladaha Iran iyo Sucuudiga oo Ka Wada Hadlay Dagaalka Ka Socda Dhulka Falastiin

Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa waxaa uu telefoonka kula hadlay, madaxweynaha Iiraan, Ibrahim Raisi, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ka taagan bariga dhexe gaar ahaan Falastiin.

Warbaahinta dlalka Iiraan iyo Sacuudiga ayaa sheegaya, in hogaamiyeyaasha labada dal ay ka wada hadleen xiisadda falastiiniyiinta iyo israa’iil, taas oo maalintii lixaad ay dagaak isaga soo horjeedaan ciidanka Israel iyo Xamaas.

Waa wadahadalkii ugu horeeyay ee telefoonka ku dhex maray, tan iyo markii la sii amba qaaday xiriirka diplomaasiyadeed bishii Maarso, oo Iran iyo Sucuudiga ay dib u bilaabeen xiriir abuuraya iskusoo dhowaanshiyo labada dowlad ah.

Waxaa ay labada dhinac ka wada hadleen baahida loo qabo in la soo afjaro danbiyada dagaal ee ka dhanka ah falastiin, waa sida ay hadalka u dhigeene, taas oo keeni karta in xaaladda Madow eek a jirta Qaza lagu soo gabgabeynayo.

Dhaxal sugaha, wuxuu carrabka ku adkeeyay, in boqortooyada ay sameyneyso dadaallo suurtagal ah oo ay kula xiriireyso dhammaan dhinacyada caalamka, iyo kuwa gobolka si loo joojiyo weerarada isa soo taraya ee Qaza.

Goobjoog News