U bood dhigaalka

Guddoomiye Madaale oo Mashruuc Indho Fiiqis ah Ka Daahfuray Degmada Yaaqshiid

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa daah furay mashruuc indha fiiqis ah oo ay maanta degmada Yaaqshiid ka fulisay hey’adda samafalka ee Madaale Foundation.

Mashruucaan ayaa waxaa  ka faaideysan doona 100-ruux oo kamid ah qoysaska danta yar ee aan heysan dhaqaale ay aragooda kula tacaalaan ama ay ku tagaan xarumaha gaarka loo leeyahay, xilli ay bulshadu ka mahadcelisay arrintaan.

Furintaanka mashruucaan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Maamulka Degmada Yaaqshiid iyo ururka dhaqaatiirka Indhaha oo barnaaijkan indha fiiqista ah fuliyay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in ay ka go’an tahay garab istaaga iyo samafalka dadka danta yar, gaar ahaan kuwa nugul.

Goobjoog News