U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Shir Guddoomiyay Kulan Golaha Wasiirrada

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya dardargelinta qorsheyaasha hortebinta u leh Xukuumadda ayaa maanta guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada, kaas oo lagu soo bandhigay guulaha laga gaaray howlgallada dalka looga saarayo Al shabaab.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda oo Golaha uga warbixiyay halganka uu hoggaaminayo ee looga saarayo deegaannada ay kaga harsan yihiin dalka ayaa tilmaamay in hawlgallada ka dhanka ah uu marayo heer gebagebo ah, isagoo ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed garab istaagga ay u muujiyeen Ciidamada Qalabka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Golaha ku dhiirageliyey dadaalladda ay ku bixinayaan dib u dhiska dalka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, dhameystirka xeerarka muhiimka u ah dowlad dhiska iyo guud ahaan horumarka dalkeenna, waxaana tilmaamay in shacabku ay bixiyaan dhiig loo keydiyo ciidanka xoogga dalka.

Dhanka kale, Madaxwrynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Ra’iisulwasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre ayaa ka qayb galay Olale dhiig loogu shubayo ciidamada qalabka sida ee dagaalka ku jira kaasi oo loo dhigayo Banngiga keeydka waxaana kulankan soo abaabuulay dhalinyarada Soomaaliyeed oo qayb ka ah kacdoonka caasimadda.

Goobjoog News