U bood dhigaalka

Maanta waa 14-ka October 2023, Xusuus Ku Nool Quluubta Soomaalida oo Tirmi Doonin

Sheeko:Dalka

Waa sanad guuradii -7aad ee qaraxii Zoobe, kadib markii maanta oo kale 14-ka October 2017-kii uu qarax ahaa kii ugu weynaa ee Soomaaliya iyo Afrikaba ka dhacay isgoyskaasi oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Qaraxaas oo dhacay xilli duhur ahaa, waddadana ay mashquul ahayd ayaa loo adeegsaday gaaro TM ah, oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa. In ka badan 1,000 qof ayaa ku dhimatay halka dhaawacu uu kor u dhaafay 1,300.

“Gaariga TM-ka ka hor inta uusan qarxin waxaa la saaray wadada Afgooye iyo Muqdisho si aanan looga shakin, safarkiisii ugu horreeyey waxa uu billaabay 13/09/2017-ka waxa uu qaadi jiray Galleyda darawalkii ku shaqeyn jiray waxa uu ahaa Xuseen Aadan Maadeey naftii “halige” ee ZOOBE isku Qarxiyey” ayaa lagu sheegay warbixinta hey’adaha amniga.

Xog-ururin ay sameysay Goobjoog News ayaa lagu ogaaday in wadarta hantidii ku bururtay ay  noqotay $6,306,061.77.

Sida ay warbixin kusoo saareen guddi ay dowladdu saartay December 1, 2017-kii, dad badan ayaa lagu waayay qaraxa, iyada oo waxyeelada aan weli laga soo kaban.

7 sano kadib, hadda waxaa madaxweyne ka ah Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana socda dagaal ka dhan ah Shabaab, kaas oo looga saarayo Galmudug iyo Hirshabelle.

Dhanka amniga Muqdisho; Bishii April ee sanadkan kahor, labo dhib ayaa ka taagnaa caasimadda kuwaas oo kala ahaa weerarrada Shabaab iyo Cayaal Weerada. Si arrimahaan wax looga qabto, waxaa la howlgeliyay ciidamo gaar ah.

Amniga caasimadda Muqdisho waxaa guud ahaanba la wareegay April 7, 2023-kii ciidamo gaar ah oo la magac baxay “ Gungaar” oo ah nooca booliis loo tababaray sida milatariga, kuwaas oo shaqadoodu tahay  in ay sugaan amniga Muqdisho, Jaziira ilaa Balcad, ayna ka dhawraan qarax iyo ciyaal weero.

Ciidamadaan ayaa tiro ahaan lagu qiyaasaa 3,000,  waxaa ay ayna ka kooban yihiin labo guuto iyo hal urur, iyaga oo leh labo taliye oo isla shaqeysa. Ciidanka ayaa ku baahsan caasimada iyo koonaheeda, waxa ay joogaan 17 saldhig, iyo 100 bar oo amniga laga sugo, arrintan ayaa ugu dambeyn keentay amniga la adkaado cayaal weerada, lagana hortago qaraxyadii si fiicanna gacanta loogu dhigay amniga caasimadda.

Dhanka guud ahaan dalka, si caasimadda u hesho xeyndaab amni oo ballaaran, dibaddana aan looga keenin qaraxyo, iskaashiga ciidamada xoogga dalka iyo xoogagga deegaanka, oo taageero ka heysta bulshada ayaa maanta horseeday in Shabaab laga qabsado in ka badan 170 deegaan oo dhaca Shabeellada dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug, welina waa uu socdaa gulufka.

Inkasta oo sanadkii hore uu dhacay Zoobe, ayna ku dhinteen in ka badan 100 100 qof, in ka badan 300 ku dhaawacmeen, hadana amniga caasimadda oo la adkeeyay iyo gulufka ka socda gobollada ayaa laga muujinayaa rajo in culeys badan uu ka dagayo caasimadda Muqdisho.

Goobjoog News

Mawduucyada:Banaadir