U bood dhigaalka

Midowga Yurub iyo Wadamo Kale oo Ku Dhawaaqay Hakinta Gargaarka Falastiin

Inta badan wadamada Reer galbeed ayaa joojiyey gargaarkii ay siin jireen dadka reer Falastiin,waxaana Midowga Yurub oo ahaa deeq bixiyaha ugu weynaa ee Falastiin uu ku dhawaaqay inuu hakiyey deeq lacageed oo dhan 691 milyan oo euro, sababo la xirira dagaalka Xamaas ku qaaday Israa’iiil,sidoo kale dalalka Denmark iyo Sweden ayaa sidaas oo kale hakiyey gargaarki ay siin jireen Falastiin.

Waxaa jira kala aragti duwanaasho ka jirta sida wadamada dalalka Midowga Yurub ku jiraa u wajahaan gargaar looo diro Falastiin,Ra’iisul wasaare ku xigeenka Spain Yolanda Diaz ayaa Jimcaha maanta ugu baaqay beesha caalamka inay cadaadis saaraan Israel si ay uga fogaato “xasuuq” Gaza.

Jordan oo ah dal deris la ah Falastin iyo Israa’iil ayaa ku dhawaaqay gargaar dawo iyo cuno inuu u dirayo Qasa laakiin halka marin ayaa xiran iyadoo Israa’iil sheegtay inaan la furi karin marinkaasi.

Turkey ayaa sheegay inay diyaarinayaan gargaar ay u dirayan Falastiin sida uu sheegay Madaxweynaha Turkeyga Tayyip Erdogan.

Tiro ka badan 338,000 oo qof ayaa ka barakacay colaada Qasa tan bilowgii iyadoo hayadaha Qaramada Midoobay ka dayriyaan xaalada nololeed ee Rayidka go’doonsan.

Rayidka Qasa ayaa la ildaran dhibaato bini’aadantinimo, Cisbitaalada ayaa la ciirciiraya dhaawacyo badan, waxaana guud ahaan go’doomintaasi ay ka dhigan tahay koronto la’aan, isbitaallada oo dawo la’aan, sahaydii raashinka oo gabaabsi ah iyo nidaamkii biyaha oo burbur soo gaaray.

Dakhliga guud ee maamulka falastiiniyiinta ayaa ah kan mid ka yimaada dibadda balse wuxuu hoos u dhacay 84.9% sanadka 2020, sida lagu sheegay xogta ay soo saartay Wasaaradda Maaliyadda Falastiin.

Sacuudiga oo ah kan ugu badan ee bixin jiray kaalmada lacageed ee Falastiin ayaa hoos u dhigay 81.4% sanadkii 2009-ki

Goobjoog news