U bood dhigaalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo Xarig Jaray Waddooyin Laga Hirgeliyay Caasimadda

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xariga ka jaray Waddada Maxamuud Xarbi ee degmada Warta Nabadda iyo waddada Cusub ee loogu Magacdaray Madaxweynihii Hore ee Dalka Cali Mahdi Maxamed ee degmada Cabdicasiis.

Labadaan waddo ayaa waxaa si isxilqaan ah ku dhisay Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya shacabka degan degmooyinka Warta Nabadda iyo Cabdicasiis, waxaana sidoo kale munaasabadda qeyb ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo guddoomiye Madaale ka mid yahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir iyo dadka deegaanka isku tashiga ay muujiyeen, taas oo ka tarjumeyso wadajir iyo wax wada qabsi shacab, taas oo lagu hirgeliyaay degmooyin dhowr ah oo kamid ah caasimadda.

 Madaxweynaha ayaa qeybaha kala ee degmooyinka Gobolka Banaadir u diray farriin ku aaddan in ay door weyn ka qaatan dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha oo ay ugu horreyso waddooyinka muhiimka u ah isu socodka dadweynaha, kobcinta dhaqaalaha iyo bilicda Caasimadda Magaalada Muqdisho.

Dhismaha waddooyinkaan ayaa waxaa kusoo aadayaa xilli dhowaan guddoomiyaha gobolka Banaadir uu ku dhowaaqay mashruuca ku dhiso dalkaaga 1 Dollar, waxaana mashruucaas lagu hirgeliyay dhismayaal dhowr waddo oo ay kamid yihiin, Waddada Janaraal, Daa’uud , Waddada Taleex iyo kuwa kale.

Goobjoog News

Mawduucyada:Banaadir