U bood dhigaalka

Tirada Dadka Ku Dhintay Marinka Qasa oo Kordhay, Israel iyo Xamaas oo Goodin Wada

Tirada dadka lagu dilay weerarka todobaadkii labaad ka socda Marinka Qasa ayaa gaartay 2,300 oo qof sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta, waxaana wali socda duqeymaha ay wado Israel ee lagu laayay dadka Rayidka ah.

Guud ahaan, 2,329 oo Falastiiniyiin ah ayaa la dilay, 9,714 kalena waa la dhaawacay sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka, waxaana Isbitaallada marinka Qasa gabaabsi ka maraya daawooyinka xilli Qaramada Midoobay ay baaq soo saartay.

Todobaad ayaa laga joogaa markii Xamaas ay weerartay Israa’iil halkaas oo ay ku dishay 1,300 oo Israa’iiliyiin ah, kuwaas oo ay ku jiraan askar, waxaana sidoo kale jira maxaabiis ay labada dhinac ay kala qafaasheen intii weerarku ka uu socday.

Israa’iil ayaa Marinka Qasa ku qaaday weerar xagga cirka oo aargudasho ah, waxayna isku diyaarinaysaa mid dhulka ah, Xamaas ayaa dhankeeda sii wada weerarrada dhanka Gantaalaha ay ku garaaceyso Israel, kuwaas oo khasaare sababay.

Goobjoog News