U bood dhigaalka

Booliiska Soomaaliya oo Ka Warbixiyay Khasaaraha Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Booliiska Soomalaiya ayaa ka warbixiyay faahfaahinta qarax ka dhacay meel aan ka fogeyn taallada Xaawa Taako, waxaana qoraal koobay oo kasoo baxay laamaha amniga lagu sheegay in weerarkaas uu sababay Geerida  hal ruux iyo dhaawac afar kale  soo gaareen

Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa caawa qarax ka geystay maqaayadda Blue Skay oo ku talla meel aan ka fogeyn Taallada Xaawa Taako, goobta ayaa sidoo kale ah Koontrool laga hubiyo Madaxtooyada maaqayadda inta badan waxaa  fariista ciidan iyo wariyeyaal.

“Khasaaraha qaraxu reebay ayaa ah dhaawaca 4 qofood iyo dhimashada Saxafi Cabdifitax Macalin Nuur (Qeys) agaasimihii Somali Cable Tv faraciisa Muqdisho, Ciidamada Amaanka ayaa gurmad u fidiyay dadka ay meesha wax ku gaareen. Waxaa socota baaris, wixii ku soo kordha dib ayaan ummadda ula wadaagi doonaa.” Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska Booliiska.

Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa caawa qarax ka geystay maqaayadda Blue Skay oo ku talla meel aan ka fogeyn Taallada Xaawa Taako, waxaana dadkii isku ku geeriyooday kamid ahaa Allah unaxariistee Wariye Cabdifitaax Qeys oo ahaa agaasimihii Somali Cable.

Goobjoog News