U bood dhigaalka

Isael oo Duqeysay Isbitaal Ku Yaalla Qasa iyo In Ka Badan 500 oo Falastiiniyiin ah oo Ku Dhintay

Waxaa ay aheyd mid kamid ah dhacdooyinkii ugu xanuunka badanaa ee ka dhacay magaalada Qasa, waxaa goob qura ku geeriyooday in ka badan 500 oo ruux, kuwaas oo u badnaa dad markii horeba qabay dhaawacyo, kadib markii diyaaradaha Israel ay habeenimadii xalay duqeeyeen Isbitaalka Al-Ahli Hospital.

Isbitaalkan ayaa ahaa mid inta badan la geyn jiray dadka qaba dhaawacyada qaliinka u baahan, marka laga soo tago Isbitaalka Al-Shifa oo isna Qasa ku yaalla, waxaana xaaladdu ay tahay mid aan la saadaalin karin, waxa dhici kara saacadaha soo aadan, Wadamada Carabta iyo dalka Iran ayaa si adag u hadlay.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas oo ku sugan Jordan ayaa diiday inuu kulan la qaato Biden oo maanta ku wajahan Israel, iyada oo qorshu yahay inuu la kulmo qaar kamid ah madaxda Carbeed, arrintaas ayaa meesha ka bixi karta, kadib dhacdadii xalay ka dhacday Isbitaalka Al-Ahli Arab Hospital.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in qarixii ka dhacay isbitaalka uu ka dhashay weerar cirka ah oo ay Israa’iil leedahay. Israa’iil ayaa qaraxan ku tilmaantay mid si khaldan loo ridey oo ay rideen kooxda hubeysan ee Islamic Jihad, waana ay beenisay in iyadu tuurtay gantaalka ku dhacay Isbitaankaas.

Boqorka Urdun, Cabdallaha Labaad, ayaa weerarka ku tilmaamay mid “xasuuq” iyo “ceeb ku ah bini’aadantinimada”. Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa soo saartay bayaan ay ku sharraxayso in isbitaalku uu kaalin muhiim ah ka qaatay bixinta hoy la siiyo dadka rayidka ah oo ka kusoo barakacay.

Hey’adda caafimaadka adduunka WHO ayaa sheegtay in kumannaan reer Falastiin ah ay u baahan yihiin caafimaad, waxaana qoraal kooban he’addu ku sheegtay “ Waddo na siiya si aan u caawino 11,000 oo qof oo ku dhaawacmay Gaza” oo maalintii 12-aad wajahaysa xaalad adag oo dhanka duqeymaha ah.

Qaramada Midoobay oo Israel uga digtay dambiyo dagaal, taas oo keeni karta in musiibo Banii’aadanimo ay ka dhalato, dunida ayaa siyaabo kale duwan u cambaaraysay arrintaan ka dhacday Isbitaalka Al-Ahli, waxaana jirta cabsi laga qabo inuu dagaalku noqdo mid ballaaran, kaas oo Israel ay wajihi karto markale.

Madaxda Turkiga, Johdan, Cuman, Masar iyo Qatar ayaa siyaabo kale duwan uga hadlay, xilli dowladda Iran ay sheegtay in ay qaadi doonto tallaabo saacada soo aadan, taas oo umuuqata arrin looga jawaabi tallaabada ay Israel ay ku beegsatay Isbitaalka ku yaalla magaalada Qasa oo lagu dilay dad aad u badan.

Goobjoog News