U bood dhigaalka

Dalka Urdun oo Joojiyay Safarka Joe Biden Ee Dalkaas, Kadib Weerarkii Israel Ee Qasa

Dowladaha Carbeed oo la filayay inuu maanta booqasho ku tago madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in ay hakiyeen, taas oo lagu micneeyay taageerada Maraykanka ee Israel  iyo wixii xalay ka dhacay Isbitaalka Al- Ahli ee magaalada Qasa oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 500 oo ruux.

Safarka Joe Biden ayaa la filayay inuu maanta oo Arbaco ah uu ka bilowdo magaalada Tel aviv, isaga tagi lahaa sidoo kale dalka Urdun si uu ula kulmo madaxda Masar iyo Falastiin si uu kala hadlo xaaladda Qasa.

Go’aankaasi Urdun ku hakisay safarka Biden wuxuu hoosta ka xariiqay taariikh qalafsan oo u dhaxaysay Urdun iyo Israel  oo dib ugu laabanaysa aasaaskii dawladdii dambe oo sii wadda inay saameyn ku yeelato dhaqdhaqaaqa gobolka,sidoo Jordan ayaa baajisay xalay Shir-madaxeedkii maanta dhici kalahaa dalkaas.

Aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheeagay in madaxweyne Biden uu joojiyay dhankiisa safarkii Urdun uu ku tagi lahaa, kadib markii dowladdaas ay joojisay booqashadiisa iyo kulankii uu kula madlansanaa Joe madaxda Masar iyo Falastiin, sida uu qorshuhu ahaa madaxda ay aka wadahadli xaaladda ka jirta Qasa.

“Ma booqan doono dalka Urdun kadib markii wadanku joojiyay qorshihii shir madaxeedka Masar iyo arrinta Falastiin, , taas oo dhabarjab ku ah dadaallada diblumaasi ee lagu doonayo in lagu xakameeyo dagaal u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas oo khatar ku ah in gobolka” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Aqalka Cad.

Dhacdadii ka dhacday Isbitaalka Al- Ahli ayaa dunida hadalheyn badan ka keentay xilli ay Qaramada Midoobay Israel uga digtay galista dambiyo dagaal, waxaana arrintaan si adag uga hadlay dowladaha Turky, Masar, Iran, Qatar, Cuman iyo Jordan, kuwaas oo sheegay inaan la aqbali karin waxii dhacay.

Goobjoog News