U bood dhigaalka

Diyaarad Siday Madaxweynaha Mareykanka oo Ka Degtay Israel iyo Kulamo uu Yeelanayo

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa hadda ka degay Isreal, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo raysal wasaare Netanyahu, iyaga oo ka wadahadli doona xaaladda ka taagan magaalada Qasa.

Laakin waxaa la baajiyay kulamadii uu la yeellan lahaa hoggaamiyaasha Carabta, gaar ahaan madaxda dalalka Masar, Urdun iyo Falastiin, kadib markii boqor Cabdallaha II uu diiday safarka madaxweynaha.

Baajinta safarkaan ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa xilli habeenimadii xalay duqeyn khasaare Israel ay ka geysatay isbitaalka Al-Ahli eek u yaalla marinka Qasa , kaas oo sababay geerida in ka badan 500 oo ruux.

Madaxweynaha Mareykanka safarka  uu tagay Israel  ayaa waxaa uu kala kulmayaa dhaleeceen dalalka Carbeed, xilli taageero indho la’aan ah Israel uu ku siiyay xasuuqa ay ka wado marinta  Qasa 12 maalin.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa booqanaya Israel, xilli wadamada carbeed madaxdooda ay diideen in ay kulamo la qaataan, kadib weerarkii lagu qaaday isbitaalka Al-AHLI  oo dadka lagu daaaweeynayay.

Goobjoog News