U bood dhigaalka

Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay oo Cambaareeyay Xasuuqa Ka Dhacay Falastiin

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa soo saaray bayaan uu ku cambaareynayo weerarka lagu qaaday isbitaal ku yaalla Gaza oo la tilmaamay in Israa’iil ay ku dileen shan boqol oo ruux.

Xoghayaha oo ku sugan magaalada Beijing ayaa ku baaqay xabad joojin isagoo dhinaca kalena yiri “weerarada Xamaas qiil uma noqon karaan ciqaabta wadajirka ah ee loo geysanaayo dadka Falastiiniyiinta”.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo ka hadlay madal lagu xusaayey 10 sano guurada Hindisaha Belt and Road Initiative ee Shiinaha ayaa  ku baaqay Xamaas inay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u sii deyso maxaabiista ku jirta gacanteeda,halka Israa’iil  uu sidoo kale ugu baaqay inay si degdeg ah u oggolaato helitaanka gargaarka bini’aadanimo ee la geynayo Gaza.

Maamulka caafimaadka Falastiin ayaa sheegay in ugu yaraan 500 oo qof ay ku dhinteen weerarka, kaasoo ay si weyn u cambaareeyeen madaxda caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka, kaas oo lagu laayay dad rayid ah, kuwaas oo intooda badan.

Goobjoog News