U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo

Sheeko:Dalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macali Fiqi iyo hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda shaacinta Wadatashiyadii xukuumadda Soomaaliya iyo SSC-Khaatumo.

Warmurtiyeedka uu akhriyey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa u qornaa sidan;

“Xukuumadda Federaalku iyada oo gudanaysa mas’uuliyadda yo waajibaadka ka saaran wadajirka iyo isu-haynta dalka, waxaa ay martiqaadday hoggaamiyaha maamulka ku-meel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo yo wafdi uu hogaaminayo, si wada-tashi looga yeesho xaaladda degaanka iyo guud ahaan dalka.”

“Doodo iyo falanqayn dheer oo taabanayey xaaladaha siyaadadeed, amni, bani’aadamnimo kadib, waxaa la isla qaatay;

(1). Xukuumadda Faderaalka ah waxaa ay mar labaad taageeraysa go’aannadii Issimada dhaqanku ay shirweynahoodii Laascaanood ka soo saareen 06/02/2023, iyada oo soo dhaweynaysa isla markaana la shaqaynaysa maamulka kumeelgaarka ah ee dadka deegaanku ay dhisteen.

(2). Xukuumadda Federaalka waxaa ay mar kasta ku baaqaysaa gacanna ay ka geysanaysaa dadaal kasta oo nabad iyo xasilooni ku soo dabaalaya deegaankaas, iyada oo wixii khilaaf ah ee jirana lagu xallinayo wadahadal iyo wada-xaajood. Waxaa ay maamulka SSC-Khaatumo ku bogaadineysaa sida ay diyaarka ugu yihiin xabbad joojinta iyo nabad ku wada noolaashaha.

(3). Dowladda Federalka Soomaaliya waxaa ay ugu baaqeysaa Somaliland yo maamulka SSC-Khaatumo Xabad joojin iyo inay sii-daayan Maxaabiista ay kala hayaan, Waxayna Xukumadda Federalka diyaar u tahay inay fududeyso hawlaha arrintaas la xiriira.

(4). Xukuumadda Federaalku ayadoo ka duulaysa mas’uuliyadeeda waxaa ay si degdeg ah uga howlgalaysaa dib u soo noolaynta iyo tayaynta adeegyada bulshada sida: waxbarashada, caafimaadka, biyaha yo guud ahaan arrimaha bani’aadamnimada.

(5). Xukuumadda Fedaraalku waxaa ay ugu baaqeysaa hey’adaha dawladda, bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka in gargaar bani’aadnimo oo degedeg ah lala gaaro deeganadaas.”

Mawduucyada:Banaadir