U bood dhigaalka

Mullaxan Xasan Sabriye Afrax oo Muqdisho Ku Geeriyooday iyo Dowladda oo Ka Tacsiyeysay

Sheeko:Dalka

Allah unaxariisyee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Marxuum Mullaxan Xasan Sabriye Afrax (Xasan Gareed) isaga oo ka mid ahaa hobollada Waaberi kaas oo ku geeriyooday  muxamiisytayaashii ugu magaca dheeraa gudaha Soomalaiya.

Marxuumka ayaa door weyn kulahaa geeddi-socodkii fanka Soomaalida laga soo bilaabo sannadkii 1957-kii oo ahayd markii u horreysay ee uu yimi Magaalada Muqdisho, waxa uu la xameeyey Heesta “Hooyooy la’aantaa” ee uu sameeyey Abwaan Hadraawi.

Alle ha u naxariiste Murxuum Mullaxan Xasan Sabriye Afrax (Xasan Gareyt) ayaa sannadkii 1941-kii ku dhashay degmada Dhuusamareeb ee hadda ah xarunta Dowlad Gobaleedka Galmudug, waxaana uu fanka ku jiray tan iyo sanadkii 1957 oo Muqdisho soo gaaray.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweis Jaamac ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Mullaxan Xasan Sabriye Afrax (Xasan Gareed) 

Wasiirka ayaa Marxuumka Alle uga baryey inuu naxariistiisa janno ku irsaaqo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna Samir iyo iimaan ka siiyo, marxuumka ayaa muddo dheer door ku lahaa fanka Soomaaliyeed arkii gadaal loo raaco taariikhda.

Mawduucyada:Banaadir