U bood dhigaalka

Madaxweynaha Turkiga oo Israa’iil Ku Tilmaamay Iney Geysanayaan Xasuuq Lamid ah Xasuuqii Hitler Ku Sameeyay.

Madaxweynaha wadanka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan oo khudbad u jeediyay Baarlamaanka dalkiisa ayaa si adag uga hadlay dagaalka ka socda magaalada Gaza, isaga oo garab istaag u muujiyay ururka Xamaas uu ku tilmaamay koox difaacanaysa dhulkeeda sida hadalka uu u dhigay.

Israa’iil, Mareykanka, Midowga Yurub iyo UK ayaa Xamaas garabkeeda Milarati u qoonsaday in ay yihiin Argigixiso, laakiin Erdogan ayaa ku sheegay khudbaddiisa inuu baajinayo booqashooyin uu ku tagi lahaa Israa’iil, kuwaas oo uu hore u qorsheeyay inuu ku tago, kadib weerarka wali lagu hayo Gaza.

“Israa’iil waxay habaaraan Hitler oo habaaraan habeen iyo maalin sababtoo ah Xasuqii Yahuuda ee Nasiga, laakiin maanta waxaan ogaanay in dawladda argagixsada ee Israa’iil ay hawl-galkeeda ku geystay wax ka badan xaquuqii Hitler marka la barbardhigo kan ay ka gaysteen Qasa”, ayuu yiri Erdogan, sida BBC laga soo xigtqy.

Hadalka kasoo baxay Madaxweynaha Turkiga Erdoğan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli si weyn loo hadal hayay inuu booqan doono Israa’iil, waxaana taas baddelkeeda uu khudbadiisa ku xusay in si weyn uu kaga shalaynayo inuu Ra’iisulwasaaraha Israa’iil uu ku salamay gacantiisa Midig.

Magaalada Gaza ayaa muddo 20 cisho ah waxaa ka socda weerarka ay geysanayaan diyaaradaha dagaalka Israa’iil, waxaana sii kordhaya khasaaraha labada dhinac soo gaaraya, Xamaas ayaa wali gantaalo ku garaaceysa qeybo kamid ah Israa’iil, xilli weerar dhanka dhulka ah laga cabsi qabo.

Mareykanka ayaa Talaadadii Codka Diidmada Qayaxan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga hor istaagay gaaritaanka qaraar lagu dalbanayay xabad joojin ka hirgasha magaalada Gaza, waxaana xusid mudan in dowladda Mareykanku ay hore u sheegtay in ay taageereyso duulaanka Israa’iil.

Marinka Gaza oo diyaradaha dagaalka Israa’iil weli ka wadaan duqeymaha ayaa waxaa ku nafwaayay in ka badan 5,000 oo reer Falastiin ah, halka gantaalaha ay Xamaas ku rideyso Israa’iil, iyo weerarkii 7 bisha October dhacay lagu dilay 1400 oo Israelin ah, mana jiro xal u muuqda joogsi duulaanka.